“Ma jiraan wax heshiis dhacay oo ku saabsan Pogba,”.

wakiil

(Turino) 21 Luulyo 2016. Waxaa la isla dhex qaadayay in Paul Pogba uu heshiis la gaaray Man United iyadoo xitaa saxaafada qaar shaacisay inuu soo afjaramay heshiiska isla markaana uu heshiiskii ugu qalisanaa ebid ugu dhaqaaqayo gegada Old Trafford.

Laakiin waxaa wararkaa biyo qaboow ku seyriyay wakiilka Pogba ee Mino Raiola oo sheegay inaysan jirin wax heshiis ah oo dhacay haba yaraatee.

“Ma jiraaan wax heshiis ah oo dhacay oo ku saabsan Pogba, waxyaabo badan oo micno la’aan ah.”. Raiola ayaa sidaa ku soo qoray boggiisa Twitter-ka.

wakiill

Jose Mourinho ayaa horaantii maanta daaha ka rogay inuu aad ugu kalsoon yahay maamulka sare ee Man United inay keeni doonaan ciyaartoyda uu dalbaday iyadoo wararka la isla dhex qaadayo ay sheegayaan in Pogba ku dhow yahay inuu dib ugu soo laabto Old Trafford.

Manchester United transfer news on Paul Pogba

Mourinho ayaa doonaya inuu keeno afar saxiix uu mudnaanta koowaad siiyay ka hor inta uusan bilaaban Premier League, iyadoo Pogba loo arkay midka ugu dambeeya uu kooxda ku soo dari doono kaddib imaanshaha Eric Bailly, Zlatan Ibrahimovic iyo Henrikh Mkhitaryan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close