EEG: Halka uu Paul Pogba uga haboon yahay shaxda Manchester United (Afartan nooc tee ugu macquulsan?)

(Manchester) 21 Luulyo 2016. Waxaa si weyn loo hadal hayaa in Paul Pogba uu qiime rikoor ah ugu biiri doono Manchester United.

Laacibka reer France oo loo arko mid ka mida khadadka dhexe ee dunida iminka ugu wanaagsan ayaa loo adeegsan karaa dhinacyo badan oo ka tirsan gegida.

Hadii ay dhacdo in uu dib ugu soo laabto Old Trafford oo uu bilaash uga tagay 2012, Mourinho waxaa u furan dhawr dookh oo uu 23 jirka u isticmaali karo.

Aan fiirino afartan shax ee hoos ku taxan.

SHAXDA 4-2-3-1

1

-Waa kaarto uu can ku yahay Jose Mourinho oo uu si wanaagsan ugu soo adeegsaday waayihiisii Inter,Real iyo Chelsea.

Pogba waxa uu Michael Carrick kala garab dheeli karaa dhexda gaar ahaan labada ka horreeysa daafaaca, halka ay Weyne Rooney, Anthony Martial iyo Henrikh Mchitaryan noqon karaan saddex ka dambeeysa Zlatan Ibrahimovic.

4-3-1-2

2

Khidadan waxa uu ka ciyaari karaa dhex saddex ah oo leh lambar ka dambeeya weeraryahanka (10), gaar ahaan garabka biddix.

4-3-2-1

3

Kaartadan wax badan kama badalna mida labaad, kaliya weerarka ayaa laba noqday waxa uu ka gali karaa isla dhex saddex ah oo uu biddix qaabilsan yahay.

4-1-4-1

4

Hadii uu Jose Mourinho la yimaaado shaxda ah 4-1-4-1, Pogba waxa uu ka ciyaari doonaa dhex afar ah oo uu labada gudaha ku jirtay ka mid yahay.

Hadaba, aqriste., midaa ayaad is leedahay tayadiisa si buuxda ayey u soo saari kartaa?

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close