Chelsea oo diyaarsatay qiimo qaali ah oo ay ku dalbanayso Kalidou Koulibaly

Koulibaly

(London) 21 Luulyo 2016 Kooxda Blues ee dalka ingiriiska ayaa diyaarsatay qiimo qaali ah oo ay ku dalbanayso daafaca reer Senegal ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly.

Shabakada Mediaset ee dalka talyaaniga ayaa baahisay in Chelsea ay diyaarsatay 40 milyan oo euro si ay u hesho 25 jirka halista ku ah daafaca ee Koulibaly.

Waxaa muuqanaya in Napoli ay ku adkaan doonto sii haysashada Kalidou Koulibaly, maadama tababare Antonio Conte uu ka dhiganayo bartilmaameedkiisa koowaad ee dhanka daafaca.

Koulibaly 1

Chelsea ayaa loolan adag kala kulmaysa kooxda Everton oo dhankeeda doonaysa dhamaystirka saxiixa Kalidou Koulibaly suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close