Chelsea oo 8-gool ku xaaqday Atus Ferlach….(Weeraryahanka cusub ee Blues Michy Batshuayi oo 2-jeer shabaqa tagay)

michu

(Austria) 21 Luulyo 2016. Chelsea ayaa kulamadeeda saaxiibtinimo ee dalka Austaria ku soo xirtay 8-0 ay kaga adkaatay koox xaafadeedka Atus Ferlach ka hor inta aysan u duulin dalka Mareykanka.

Weeraryahanka cusub ee Chelsea Michy Batshuayi ayaa dhaliyay goolashiisii ugu horreeyay ee Blues iyadoo uu Antonio Conte la qabsanayo nolosha kooxdiisa cusub.

Xiddiga reer Belgium ee lala soo saxiixday intii uu socday Euro 2016 ayaa dhaliyay labo gool qeybta labaad ee ciyaarta si uu Chelsea uga caawiyo guul wayn.

Laacibkii hore ee Barcelona Pedro ayaa sidoo kale qeybta dambe dhaliyay labo gool, halka Loic Remy uu dhaliyay goolasha loo yaqaano hat-trick (Saddexleey).

RZ Pellets v Chelsea

Wiilka reer France ayaa dhaliyay labo gool qeybtii hore wuxuuna goolashiisa saddexleyda dhammeystirtay qeybta labaad ee dheesha.

Ninka aan goolasha looga baran ee John Obi Mikel ayaa dhaliyay goolka kale ee Blues kuwaa oo iminka u duulay Mareykanka si ay uga qeyb galaan International Champions Cup.

Liverpool ayay California kula ciyaari doonaan 28-ka bisha ka hor inta aysan la ciyaarin Real Madrid labo maalmood kaddib.

Kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayay magaalada Minneapolis kula ciyaari doonaan 4-ta bisha soo socota ee August.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close