“Aad baan ugu faraxsanahay inaan ku biiro.” Lukaku oo beri tijaabada caafimaad u maraya Lazio

lakuku

(Roma) 21 Luulyo 2016. Lukaku ayaa soo gaaray magaalada Roma ee caasimada Talyaaniga si uu tijaabada caafimaad ugu maro kooxda Lazio.

Jordan Lukaku ee la dhashay Romelu Lukaku ayaa daaha ka rogay inuu arrinkan kala tashaday xiddigaha ay ka wada tirsan yihiin xulka Belgium ee ka ciyaara horyaalka Seria A Dries Mertens iyo Radja Nainggolan.

Daafaca reer Belguim ayaa adduun dhan 5-milyan oo euro iyo lacago gunno ah ugu soo biiri doona kooxda lagu naaneyso Biancocelesti.

http://www.football-italia.net/sites/default/files/imagecache/main_photo/[type]/[nid]/

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan imi Roma, waxaan la hadlay Mertens iyo Nainggolan,” Lukaku ayaa sidaa yiri mar uu soo gaaray garoonka diyaaradaha Fiumicino.

“Lazio ayaa ila soo xiriirtay usbuucii la soo dhaafay.”.

Beri oo jimco ah ayaa lagu wadaa inuu tijaabada caafimaad u maro kooxda Lazio iyadoo uu qalinka ku duugi doono heshiis saddex sano ah oo waliba leh dooq uu afar uga dhigi karo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close