Xulka Portugal oo heshiis cusub ku abaal-mariyey tababare Fernando Santos

(Lisbon) 20 Luuliyo 2016 – Macallinka xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa saxiixay heshiis afar sanadood ah oo uu ku sii hayn doono shaqada xulka ilaa kaddib ciyaaraha Euro 2020.

61-sano jirkaan ayaa qabtay xulka lagu naaneyso Selecao bishii September sanadkii 2014-kii, markii loo bogay shaqadiisa ayaana lagu abaal-mariyey heshiis cusub oo afar sanadood ah.

Tababare Santos ayaa xulka Portugal ku hoggaamiyey koobtii taariikhiga ahaa ee Euro 2016 oo ay markoodii ugu horreysay ku guuleysteen markii kulankii final-ka ay 1-0 ku garaaceen marti geliyeyaasha tartankaas ee France.

Macallinkii hore ee Giriigga ayaa hadda gacanta loo geliyey fursad uu ku difaacan karo koobkaas, iyadoo sidoo kale uu xulka Portugal kala qeyb qaadan doono koobka Adduunka 2018.

Santos ayaan wali laga adkaan kulan uu hoggaaminayo xulka Portugal, isagoo guul gaaray 10 kulan, afarna barbaro galay, 14-kii kulan oo uu xulkan hoggaamiyey.

CnwL_61XgAAOOXr

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close