XOG: Man Utd oo ogolaatay inay malaayiin rikoodh jebis ah kusoo qaadato Paul Pogba (Waa imisa?)

(Manchester) 20 Luulyo 2016 – Manchester United ayaa la sheegayaa inay ogolaatay inay qiime rikoodh-jebis ah ku qaadato Paul Pogba kaasoo gaaraya €110 milyan oo euro, sida uu fahamsan yahay warsidaha Goal.

Saraakiil ku dhow dhow naadigan Premier League ka dhisan ayaa Arbacadii kulan la qaatay dhiggooda Juventus si ay ula meel dhigaan qorshe Pogba loogu soo celinayo Old Trafford.

Waxaa haatan la fahamsan yahay in ay United meel dhigtay €110m oo loo quurayo qandaraaska Pogba, kaasoo qarin doona kharajkii ay Real Madrid bixisay ee €100m ahaa kaasoo Gareth Bale laga bixiyey 2013.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close