WAR CUSUB: Maalgashadaha ugu wayn iibsiga Milan oo la magacaabay, tafaasiil cusub oo iska bedeshey tibxaha heshiiska & maamulka Milan oo albaabka la tusi doono!

(Beijing) 20 Luulyo 2016 – Sonny Wu ayaa lagu sheegay inuu yahay maalgashadaha ugu wayn ee wada xaajoodka kula jira kooxda AC Milan oo qarka u saaran in la iibsado.

Waloow aan inta badan si toos ah loo cayimin ragga la xaajoonaya Silvio Berlusconi, wararkii ugu dambeeyay ee soo baxayay waxay sheegayaan in dibu dhacyadu aysan ahayn caqabaad, balse ay Chinese-ka oo ayaan dhowayd soo jeediyey inay 80% iibsadaan ay markan doonayaan inay 100% la wareegaan koontoroolka naadiga.

Haatan Bloomberg ayaa werinaysa in Sonny Wu, oo ah madaxa hay’adda gaarka loo leeyahaya ee GSR Capital uu yahay ninka ugu wayn dallada Chinese-ka ah.

Wu ayaa Rossoneri ku qiimeeya €750m (825m oo doollar) oo ay ku jiraan 200 oo qaanta naadiga ah, iyadoo uu heshiiskani keeni doono heshiisyo cusub oo maalgelineed.

Ninkan ayaa waxyaabaha kale ee uu ka ganacsado waxaa ka mid ah tamarta la cusboonaysiin karo iyo naleeynta, sida ay sheegayso Bloomberg.

His other business holdings include renewable energy and lighting, Bloomberg reports.

Haddii ay Chinese-ku la wareegaan 100% AC Milan waxaa albaabka la tusi doonaa Adriano Galliani & Barbara Berlusconi, halka Berlusconi uu noqon doono madaxwayne sharafeed bilaa awood ah.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close