Waa kee Waddanka ka tirsan qaaradda Afrika ee uu dhowaan booqan doono Pele?

(Brasilia) 20 Luuliyo 2016 – Xidiggii hore ee Brazil Pele ayaa la filayaa in uu booqasho Taariikhi ah ku yimaado Magaallada Lagos ee Waddanka Nigeria.

Pele oo 3 Koob Adduun kula guuleystay Brazil ayaa Bisha Agoosto imaan doona Nigeria si uu uga qayb galo barnaamijyo Samafal iyo khibrad uu ugu kordhinayo da’yarta Afrika.

Waxa uu daah furi doonaa Pele Tartan Kubadda Cagta ah oo loogu talo galay da’yarta kaasoo ka dhici doona Ikoyi oo ka tirsan Nigeria.

Pele oo 75 jir ah, ayaa lagu xasuustaa inuu dhaliyay 1,281 gool intii uu ciyaarta Kubadda Cagta ku jiray, waxaana Koobkiisii Adduun ee ugu horreeyay uu qaaday 1958-kii isagoo 17 jir ahaa, halka labadii Koob Adduun ee xigtayna uu ku kala qaaday Chile 1962′ iyo Mexico 1970′.

Pele

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close