RASMI: Weerar yahankii hore ee Man City Alvaro Negredo oo dib ugu soo laabtay horyaalka ingiriiska

(Middlesbrough) 20 Luulyo 2016 Kooxda Middlesbrough ee dalka ingiriiska ayaa si rasmi ah u shaacisay saxiixa weerar yahankii hore ee kooxda Man City Alvaro Negredo.

Kooxda reer ingiriis ayaa shaacisay in 30 jirka reer Spain ay ku soo qaadatay hal xiliciyaareed oo amaah kadib 2-sano oo uu u ciyaarayay kooxda Valencia.

Alvaro Negredo ayaa 23 gool u dhaliyay Man City 48 kulan oo uu ka soo muuqday xiliciyaareed kii 2013/14, wuxuuna kula guulaystay horyaalka ingiriiska.

Laacib kaan ayaa ka soo muuqan doona Premier League xiliciyaareedka soo socda, wuxuuna kula biirayaa Middlesbrough saaxiibkiis Antonio Barragan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close