Rasmi: Liverpool oo gacanta ku dhigtay daafaca khabiirka ah ee Ragnar Klavan ….(Lambarkee ayuu u xiran doonaa)+SAWIRRO

(Liverpool) 20 Luulyo 2016. Liverpool ayaa dhammeystirtay saxiixeeda daafaca reer Estonia ee Ragnar Klavan.

Klavan ayaa ugu soo biiray Liverpool adduun dhan 5-milyan oo bound isagoona ka yimid dhanka kooxda Augsburg ee horyaalka Bundesliga wuxuuna qallinka ku duugay heshiis saddex sano ah.

Daafaca 30-jirka ah ayaa buuxin doona booska Martin Skrtel oo ku biiray kooxda reer Turki ee Fenerbahce iyo Kolo Toure oo kooxda laga fasaxay.

Klavan iyo Klopp ayaa si fiican isku garanaya maadaama uu daafaca reer Estonia afartii sano ee dambe uu ku soo qaatay horyaalka Bundesliga dalka Jarmalka waxaana la filayaa inuu kulankiisii ugu horreeya ka soo muuqdo Liverpool inta lagu guda jiro kulamada saaxiibtinimo ay ku ciyaarayaan Mareykanka.

Ragnar Klavan ayaa kooxdiisa cusub u xiran doona No. 17.

SAWIRRO:

daafac

Estonia international defender Ragnar Klavan has completed his £5million move from Augsburg to Liverpool

The 30-year-old puts pen to paper on the deal that will keep him at Anfield until the end of season 2018-19

Klavan will wear the No 17 shirt vacated by Mamadou Sakho, who has opted to wear No 3 on his back this term

Klavan spent four years playing for Augsburg in Germany, where Jurgen Klopp will have seen him first-hand

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close