Pirlo: “Marka laga reebo Dabeecadaha Mario ee Saxaafaddu soo qaadato waa inaynu hilmaalin inuu leeyahay tayada uu ku noqon karo Weeraryahanka ugu fiican Caalamka”

(Liverpool) 20 Luuliyo 2016 – Xidiggii hore ee Khadka Dhexe ee Talyaaniga Andrea Pirlo oo wareysi siinayay Wargeyska ‘Mirror’ ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa waxa uu kaga hadlay Weeraryahanka Talyaaniga ee laga dooq baxay Mario Balotelli, kaasoo aan dheelin tartankii Euro 2016 ee Faransiiska.

“Waan ka xumaadaa, laakiin kalsooni weyn ayaan ku qabaa Mario, marka laga soo tago Dabeecadihiisa saxaafaddu soo qaadato, waa inaynu hilmaalin inuu yahay ciyaaryahan wanaagsan.” ayuu yiri Pirlo.

“Waxa uu leeyahay Tayada uu ku noqon karo Weeraryahanka ugu fiican dunida, isagu ma haysto waqti badan ee uu lumiyo, waxa uu u soo ciyaaray qaar ka mid ah Naadiyada ugu waaweyn Yurub, sidoo kale weli waa 25 jir.” ayuu sii raaciyay Pirlo.

Andrea waxa uu ugu baaqay Mario inuu doorto kooxda uu u ciyaari doono ee xigta, waxaana uu yiri: “Waxaan maqlay warar sheegaya in uu doonayo in uu aado Shiinaha, anigoo tixgelinaya Horyaalkooda, haddana Mario waa inuusan waqtigani halkaa aadin”.

Pirlo v Balotelli

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close