Galmudug oo laga reebay tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya +SAWIRRO

13819695_1076159759139880_524978199_n

(Muqdisho) 20 Luulyo 2016-Maamul  goboleedka Galmudug ayaa guuldarro kala kulmay Hiiraan iyo Sh. Dhexe oo hal xul matalayo ciyaar xiiso badan oo galabta ka dhacday garoonka Banaadir.

Ciyaarta ayaa aheyd mid aad u xiiso badan waxaana qeybtii hore lagu kala nastay  0-0, xilli labada dhinac ay iska qasaariyeen fursado muhiim ah.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa u suura gashay labada gobo lee mataanaha ku ah tartankaan ee Hiiraan iyo Sh. Dhexe in ay helaan gool soo daahay waxaana waqtigii loogu tala galay ay kusoo dhamaatay 1-0, oo galmudug loogu adkaaday.

Maamul  goboleedka Galmudug ayaa maray wadii ay horay u martay Koofur Galbeed, markii laga badiyay labadii ciyaar ee heerka guruubyada.

Sikastaba Hiiraan iyo Sh. Dhexe ooh al xul matalayo ayaa ku dhacay  maamul goboleedka Puntland oo kusoo baxay kaalinta labaad guruubka A,halka Jubbaland iyo Banaadir ay isku aadeyn.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close