Isku aadyada Horyaalka Serie A & Koobka Talyaaniga oo lakala samayn doono Berri & saadambe

(Roma) 21 Luulyo 2016 – Isku aadka horyaalka Talyaaniga ee Serie A dufcaddiisa fasalka 2016-17 ayaa la ciyaari doonaa 22-ka bishan Luulyo oo ku beegan berri dambe.

Lega Serie A ayaa xaqiijisay in uu isku aadku dhici doono Jimce 22 Luulyo, waloow aan weli la cayimin goorta iyo goobta.

Horyaalka Serie A-da ayaa bilaabmi doona todobaad-dhamaadka ku aaddan 21 Agoosto 2o16, isagoo soo afjarmi doona 28 Maajo 2017.

Berritoole oo Khamiis ah waxaa marka ay saacadda maxalliga ah ee Talyaanigu tahay 15.00, la samayn doonaa isku aadka Koobka Talyaaniga oo loo samayn doono qaabka teeniska kaasoo ka dhici doona qolka shirarka ee Sala Assemblea  ee jidka Via Rosellini.

Isku aadka dufcadda Coppa Itama ama TIM Cup 2016/2017 ayaa waxaa ka qayb qaadan doona 78 kooxood oo heerarka kala duwan ah, kuwaas oo ay doorka 1-aad geli doonaan kooxaha Fiorentina, Inter, Juventus, Lazio, AC Milan, Napoli, Roma & Sassuolo.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close