Heerka guruubyada tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya oo galabta lasoo xiri doono

kkkk

(Muqdisho) 20 Luulyo 2016.Kullan ka tirsan tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa galabta lagu ciyaari doono garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir.

Ciyaartan ayaa waxaa isaga hor imaan doono maamul goboleedka Galmudug iyo labada gobol ee tartankani mataaanaha ku ah ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Galmudug ayaa laga badiyay kullankii ugu horeyay ee tartankaan, halka Hiiraan iyo Sh/dhexe ooh al xul matalayo ay kasoo badiyeen Jubbaland.

Haddii laga badiyo ama bar baro lagu celiyo Galmudug, waxa ay galabta isaga hari doontaa tartanka doowlad goboleedyada Soomaaliya.

Sikastaba galabta ayaa lasoo xiri doonaa heerka guruuyada tartankan, waxaana ilaa iyo iminka xaqiijiyay in heerka guruubyada ay kasoo baxeyn Banaadir iyo maamul goboleedka Puntland.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close