Ancelotti oo albaabka ka xirtay Real Madrid: Lewandowski iib ma ahan”

(Munich) 20 Luulyo 2016 Tababaraha kooxda Bayern Munich Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in weerar yahankiisa Robert Lewandowski uusan ku biiri doonin Real Madrid.

Ancelotti ayaa sheegay in Real Madrid ay haysato ciyaartoy badan oo tayo leh sida Ronaldo, Benzema iyo Bale, balse aysan u baahnayn Robert Lewandowski.

57 jirka reer talyaani ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu aysan diyaar u ahayn inay iska iibiso Robert Lewandowski maadama uu yahay weerar yahanka ugu fiican aduunka.

Lewandowski

“Real Madrid waxay haysataa ciyaartoy badan oo cajiib ah sida Benzema, Bale iyo Ronaldo, baahi uma qabaan Robert Lewandowski” ayuu yiri Ancelotti.

“Xitaa haddii ay dareensanyihiin inay u baahanyihiin Robert Lewandowski, Bayern Munich kama iibin doonto, maxaan isaga iibinaynaa mid kamid ah weerar yahanada ugu fiican aduunka?”.

“Ma doonayo in Robert Lewandowski aan ku badasho weerar yahan kale”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close