SEUKI 2016: Kooxaha X. Stocklom & Dahabshiil Norway oo guulo ku bilowday + Sawirrada (Kulamada galabta)

(Stockholm) 19 Luulyo 2016 – Waxaa shalaytoole halkiisii kasii socday ciyaaraha xagaaga Soomaalida qurbaha ee Seuki 2016 kaasoo ay ka qayb qaadanayaan 13 naadi oo ka kala socda dalalka Sweden, UK, Finland, Norway, Denmark, Austaria iyo Holland.

Waxaana shalay ciyaaray kooxaha X. Stockholm vs Nabadda UK kuwaasoo soo bandhigay ciyaar aad u xiise badnayd oo ay kooxuhu muujinayeen karti ciyaareed, waxaase 3-1 libtii ku hantiyey xiddigaha X. Stockholm.

Kulankii 2-aad ee la wada sugayey wuxuu dhexmaray kooxda tartanka dhowaan-galka ku ah ee Västrås vs Dahabshiil Norway oo dabcan ah koox guun ah oo muddo kusoo kifaaxday koobkan.

Kooxda Västrås ayaa dadaal muujisey, yeelkeede kuma fillaanin oo wuu ka gaabtay intii looga fadhiyey si ay heerkulka u gaarsiiso booskii looga baahnaa, waxaana looga badiyey 2-0 ay guushii kula galbadeen gabannada Dahabshiil Norway.

KULAMADA GALABTA:

Banaadir (Austaria) vs Rinkeby Stars 16: 00

Sonpet (Finland) vs Waddani Stars (Denmark) 18:00

IMG_8854 IMG_8880 IMG_8879 IMG_8877 IMG_8876 IMG_8875 IMG_8874 IMG_8873 IMG_8872 IMG_8871 IMG_8870 IMG_8869 IMG_8866 IMG_8864 IMG_8863 IMG_8862 IMG_8861 IMG_8860 IMG_8859 IMG_8858 IMG_8857 IMG_8855

IMG_8853 IMG_8852 IMG_8851 IMG_8850 IMG_8849 IMG_8848 IMG_8847 IMG_8846 IMG_8845 IMG_8844 IMG_8843 IMG_8842 IMG_8841 IMG_8838 IMG_8837 IMG_8836 IMG_8835 IMG_8834 IMG_8833 IMG_8832 IMG_8831 IMG_8830 IMG_8829 IMG_8827 IMG_8823 IMG_8820 IMG_8818 IMG_8817 IMG_8816 IMG_8814 IMG_8812 IMG_8811 IMG_8810 IMG_8808

b

Gool FM, Stockholm

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close