Rooney iyo Pogba oo qadka dhexe ah……(Tak Tikada Jose Mourinho oo si kama ah loo shaaciyay)

mourinho

(Manchester) 19 Luulyo 2016. Qorshaha Jose Mourinho ee ah inuu qadka dhexe ka ciyaarsiin doono Wayne Rooney oo si kama ah shaaca looga qaaday.

“Wuxuu noqon doonaa No.9, No. 10, laga yaabee No. 9 iyo bar, laakiin marna ma noqonayo No. 6 iyo xitaa No.8.”. Jose ayaa sidaa horey u yiri mar wax laga waydiiyay halka uu ka ciyaari doono kabtankiisa Wayne Rooney.

Laakiin sawir ay Twitter-ka soo dhigtay gabadhiisa Matilde waxay soo jeedinayaan sheeko ka duwan hadalka Mourinho oo waxaa weerarka ka ciyaaraya Rashford iyo Zlatan Ibrahimovic halka Wayne Rooney uu ka dambeeyo labadooda.

Intaa oo kaliya ma ahanee waxaa kaloo ka muuqanaya warqada la soo dhigay Twitter-ka Paul Pogba oo magaciisa ku dul quran yahay booska dhexe ee Marouane Fellaini.

Haddaba sheekada sidaa miyay u dhici doontaa mise?.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close