Ronaldinho oo 2-kulan uun kaddib isaga baxay tartanka FUUSTALKA ee India….(Sidee wax u jiraan?)

 ronaldinhodd

(India) 19 Luulyo 2016. Goor dhow uun ayay ahayd markii uu Ronaldinho guul wayn oo 7-2 ka caawiyay kooxdiisa Goa oo ay ka gaartay naadiga uu hor koco Paul Scholes ee Bengaluru ciyaar ka tirsanayd  Indian Premier Futsal, laakiin rugcadaaga reer Brazil ayaa labo kulan uun kaddib macsalaameeyay tartanka ka soconaya dalka India.

Laacibkii hore ee Barcelona iyo AC Milan ayaa dib ugu laabanaya dalkiisa hooyo ee Brazil maadaama loo magacaabay safiirka Cuuriyaamiinta ee tartanka Olymicada ee dhawaan ka furmi doona dalka Brazil waxayna taa la micno tahay inuu isaga tagayo India maalmo yar uun kaddib markii uu 5-gool oo caaqibo leh u dhaliyay kooxdiisa Goa ciyaar ay 7-gool ku adkaatay.

Booska uu banneeyay Ronaldinho ayaa lagu wadaa in lagu soo buuxiyo kabtankii hore ee xulka Brazil Cafu oo horyaalka Fuustalka ee dalka India kula soo biiri doona, Giggs, Crespo, Scholes iyo magacyo kale oo waa wayn.

The Brazilian has been named 'brand ambassador' for the Paralympics and will be replaced by Cafu (pictured)

“Waqti cajiib ah ayaan ku soo qaatay ka ciyaaristeyda Chennai,”. Gazetta World ayaa sida ka soo warisay Ronaldinho.

“Nasiib darro, markii aan bilaay inaan si fiican u barto dalka waxay noqotay inaan dib u laabto maadaama uu dalkeyga ii baahan yahay.

“Guddiga Olympicada Jiisaska ayaa igu sharfay inaan noqdo safiirkooda taa oo iiga baahan inaan joogo dalka Brazil.

ronaldinho

“Waxaan si xiiso leh u eeganayay inaan la sii joogo Goa laakiin shalay uun ayaan ogaaday arrinkan soo kordhay, waan ku faraxsanahay inaan maalmahaan ku qaato dalkiina quruxda badan leh aana kor u qaado ciyaarta aan ku soo koray dheesheeda.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close