NATIIJO: Banaadir iyo Putland oo is mari waayay +SAWIRRO

IMG_0976

(Muqdisho) 19 Luulyo 2016. Maamul goboleedka Putland ayaa bar baro la dhaafi waayay Banaadir kullankii xiisaha badnaa ee galabta ka dhacay garoonka Koonis.

Ciyaarta ayaa aheyd mid aad u xiiso badan waxaana qeybtii hore ee  kullanka uu kusoo dhamaaday 1-0, oo ay ku hor kaceyso Putland, waxaana u dhaliyay xiddiga daafaca bıdıx ee C/laahi C/qaadir Gacma.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa xiddigaha gobolka Banaadir waxa ay la yimaadeen goolkii bar baraha waxaana u dhaliyay xiddiga weerarka ee Axmed C/qaadir Shariif  Buush isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1.

Daqiiqado yar kaddib xiddiga Faarax Daahir Faarax oo ka tirsan Putland ayaa hoggaanka usoo celiyay waxaana uu ka dhigay 2-1, balse Buush ayaa markale shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyay goolkii bar baraha waxaana kullanka uu kusoo dhamaaday 2-2.

Sikastaba gobolka Banaadir ayaa farqiga goolasha ugu soo baxday kaalinta koowaad guruubka A, halka  Putland ay kusoo baxday kaalinta labaad.

IMG_0622 IMG_0624 IMG_0628 IMG_0637IMG_0666 IMG_0674 IMG_0679 IMG_0613 IMG_0605 IMG_0683 IMG_0687 IMG_0690 IMG_0700IMG_0721 IMG_0732 IMG_0735 IMG_0739 IMG_0745 IMG_0756 IMG_0763 IMG_0767 IMG_0771IMG_0775 IMG_0786 IMG_0812 IMG_0813 IMG_0823 IMG_0825 IMG_0826 IMG_0827 IMG_0829 IMG_0841 IMG_0847 IMG_0850 IMG_0849IMG_0850 IMG_0855 IMG_0920 IMG_0929IMG_0943 IMG_0958 IMG_0974 IMG_0976IMG_0983 IMG_1015 IMG_1026 IMG_2074 IMG_2128 IMG_2129 IMG_2139 IMG_2168IMG_2168 IMG_2198 IMG_2225

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close