Man City oo ku sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa Leonardo Bonucci

Leonardo Bonucci of Italy celebrates scoring his team's first goal from the penalty spot during the UEFA EURO 2016 quarter final match between Germany and Italy at Stade Matmut Atlantique on July 2, 2016 in Bordeaux, France.

(Manchester) 19 Luulyo 2016 Kooxda Man City ee dalka ingiriiska ayaa qarka u saaran dhamaystirka daafaca kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Mirror ayaa baahisay in Man City ay ku dhawdahay inay soo dhamaystirto saxiixa Bonucci kaas oo ay ku qarash garaynayaan lacag dhan 50 milyan oo Ginni.

City ayaa joogtaysay wadahadalada ay kula jirto Juventus 24-kii saac ee la soo dhaafay, Juventus ayaa ku adkaysatay qiimo dhan 50 milyan oo Ginni una dhiganta (60 milyan oo euro) si ay u fasaxaan Bonucci.

Leonardo Bonucci in action with Wilfried Bony

Tababare Pep Guardiola ayaan dhib badan u arkin qiimaha qaaliga ah ee Juve ay ku doonayso laacib keeda maadama uu u arko laacib adkayn kara daafaca kooxdiisa xili uu ka baqayo dhaawacyada badan ee kabtan Vincent Kompany.

City ayaa hordhigtay laacibka reer talyaani heshiis uu ku qaadanayo isbuucii aduun dhan 140 kun oo Ginni, Juve ayaana xili hore la wareegtay badalkiisa kaas oo ah Mehdi Benatia.

Man City ayaa u muuqata haatan in Chelsea ay uga adkaatay saxiixa Bonucci kadib markii ay ogolaadeen bixinta qiimaha Juve ay ku doonayso 29 jirka reer talyaani.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close