1-km ma u soo dabaalatay si aad SAWIR ula gasho geesigaad taageerto dabadeed MOPILE-kii biyo makaa galeen….(Aqri QISADAN dhex martay Messi iyo taageere Suli)+SAWIRRO

Suli swan 1km to jump onto Barcelona star Lionel Messi's yacht off the coast of Ibiza this summer

(Ibiza 19 Luulyo 2016. Taageere kasta ayaa ku riyooda inuu mar uun la kulmo geesiga uu ka taageero kubbada cagta laakiin maku soo dhici kartay maskaxdaada inaad Lionel Messi kula kulanto doontiisa gaar ka ah ee raaxada isla markaana aad la qaadato 20-daqiiqo oo wada sheekeysi ah.

Suli, ee ka yimid Ceuta ee Spain ayaan marna ilaawi doonin xagaaga 2016 kaddib markii uu soo dabaashay 1 km si uu u soo gaaro doonida raaxada ee Mesi isla markaana sawiro ula galo waqti yar oo sheeko ahna la qaato.

24-jirka taageera kooxda Atletico Madrid ayaa ku raaxeysanayay fasax kaddib markii uu gartay doonida Messi oo soo gaartay halkii uu joogay ee xeebta Salines, mana uu ka labo baleyn Suli inuu hal kilo mitir soo dabaasho si uu u soo gaaro goobta ay tiilay doonidii Messi.

The 29-year-old Messi is still on holiday as he rests up following a long season for Barcelona and Argentina

Suli, ayaa masaafadaas u soo jaray si uu sawir uun ula galo Lionel Messi balse nasiib daro taleefankii ayaa biyo ka galay intii uu soo dabaalanayay, laakiin Lionel Messi ayaa xal u helay.

Xiddiga shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa waydiistay mid ka mid ah shaqaalihii ka shaqeynayay doontiiisa raaxada inay sawir ka qaadaan isaga iyo taageeraha geesiga ah.

Intaa oo kaliya ma ahayn oo Messi wuxuu koob casiir ah u dalbay Suli dabadeedna wada qaateen waqti yar oo wada sheekeysi ah uu uu ku waydiinayo halka uu asal ahaan ka soo jeedo iyo waxyaabo la mid ah.

Taageeraha ayaa mar uu u waramayay jariiradda caanka ah ee Mundo Deportivo sheegay inuu waayay taleefankiisa balse uu sawir la galay Messi, wuxuuna ku sheegay in kabtanka xulka Argentina uusan dareensiinin xiddignimadiisa isla markaana yahay qof aan isla waynayn, wuxuuna ku sheegay Messi iyo reerkiisa kuwa cajiib ah.

Atletico Madrid supporter Suli swam 1km to reach the Barcelona star's boat where he had a drink and a photo

Sheekadooda kaddib Messi ayaa intaa kaddib ku daray taageere Suli doonyar oo dheereysa si ay u geyso xeebta isla markaana uusan dabaal dib ugu laaban halkii uu ka yimid.

Suli ayaa habeenkaa kaddib aaday club-ka lagu caweeyo ee Pacha halkaa uu misane ku arkay laacibka la xifaaltama Lionel Messi ee Cristiano Ronaldo laakiin ma uusan helin furad uu xitaa ku salaamo inuu la sheekeysto iska daayee.

The Portugal captain, 31, takes a dip in the cool waters of Ibiza as he looks ahead to the new season

“Xitaa ma gacan qaadi Karin,”. Suli ayaa sidaa yiri mar uu ka hadlayay Ronaldo.

“Waxaa ku hareereysnaa ilaalo, mana tagi karin meel ku dhow isaga.”.

W/D: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close