Zidane oo ka hadlay xaalka James Rodriguez ka hor bilowga xilciyaareedka cusub

(Madrid) 18 Luulyo 2016 Tababaraha kooxda Real Madrid Zidane ayaa qabtay shirka jaraa’id ee tababarkii ugu horeeyay ee kooxdiisu ay isugu diyaarinayso xiliciyaareedka cusub.

Zidane ayaa ka hadlay arimo dhawr ah oo ay ugu wayntahay xaalada laacibka reer Colombia ee James Rodriguez kaas oo u muuqda mid aan ku qanacsanayn kursiga keydka ee Real Madrid.

Tababaraha reer France ayaa diiday inuu kala cadeeyo in James uu boos joogto ah ka helayo kooxda iyo in kooxdu ay u diyaar garoowday inay iska fasaxdo.

James 1

“Fikirkeena ku aadan James waa mid lamid ah ciyaartoyda kale ee kooxda, wuxuu dib u soo laabanayaa 26-ka bisha isaga, Ramos iyo Modric” ayuu yiri Zidane.

“Waan la hadli doonaa isaga si lamid ah ciyaartoyda kale, ma dhahayo James waa laacib keyd ah, laakiin waa laacib muhiim ah, wuxuuna ciyaaray daqiiqado ka yar ciyaartoyda kale, marwalba oo fursad uu helo wax walba ayuu u hurayaa kooxda”.

“Xiliciyaareed kaan kama badalnaan doono kii hore, marwalba waxaan garoonka soo galin doonaa ciyaartoyda diyaarka ah isla markaana doonaya inay tartamaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close