“Waan ka helaa Pogba laakiin waxaan ku faraxsanahay ciyaartoyda aan haysto” – Zidane

Photo published for Bola.net: Zidane Akui Mengidamkan Paul Pogba

(Madrid) 18 Luulyo 2016 Tababaraha kooxda Real Madrid Zidane ayaa ka hadlay wararka kooxdiisa laxiriirinaya laacibka reer France ee Paul Pogba.

Zidane ayaa sheegay inuu aad ula dhacsanyahay laacibka Juventus ee Pogba balse wuxuu intaa ku daray inuu ku faraxsanyahay ciyaartoyda uu haysto waqtigaan.

Real Madrid ayaa aad loola xiriiriyay Pogba sanadihii u danbeeyay laakiin waxaa soo muuqanaya in kooxda reer Spain ay isaga hartay doonistiisa.

“Pogba? Waxaan ku koobnaanayaa oo kaliya inaan diirada saarto ciyaatoyda kooxdayda, waan ka helaa Pogba, waa laacib aad u fiican laakiin ma ahan laacibka kaliya ee fiican” ayuu yiri tababare Zidane.

“Waxaa jira ciyaartoy badan oo fiican, kooxaha oo idil waxay doonayaan inay la wareegaan ciyaartoyda fiican, haatan waa laacib u ciyaara Juventus” ayuu sii raaciyay halyeeyga reer France.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close