NATIIJO: Jubbaland oo dirqi uga adkaatay Galmudug+ SAWIRRO

(Muqdisho) 18 Luuliyo 2016 –Xiddigaha maamul goboleedka Jubbaland  ayaa gaaray guushooda ugu horeysa ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka soconayo magaalada  Muqdisho.

Jubbaland  ayaa kullan aad u xiiso badan waxa ay galabta wajahday dhiigeeda Galmudug, waxaana  qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-1,iyadoo Galmudug ay goolka la hormartay waxaana u dhaliyay xiddiga C/Shaakir Xasan C/llaahi balse daqiiqado kaddib waxaa goolka bar baraha keenay xiddiga Axmed Cumar Cali oo garabka weerarka ciyaaro.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa wiilasha Jubbaland waxa ay heleyn goolkii labaad waxaana shabaqa soo taabsiiyay xiddiga weerarka ee Fu’aad Axmed Cali isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1.

Gabo gabadii ciyaarta ayaa xiidgaha Galmudug, waxa ay iska qasaariyeen gool ku laaad, waxaana birta ku dhuftay xiddiga C/raxmaan Camiir Cabdi, iyadoo ugu dambeyn ciyaarta kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku qaateen Jubbaland.

Sikastaba Jubbaland ayaa ciyaartay labadii kullan ee loogu tala galay tartankaan, halka Galmudug kullanka u harsan ay la ballansan tahay Hiiraan iyo Sh/ dhexe ooh al xul matalayo.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close