Man City oo dhigeeda United kula loolamaysa saxiixa Reece Oxford

(Manchester) 18 Luulyo 2016 Kooxda Man City ayaa ku soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa da’yarka kooxda West Ham United ee Reece Oxford sida ay baahisay The Sun.

Indha-indheeyayaal ka socda kooxaha Tottenham iyo Man United ayaa daawaday kulankii uu Reece Oxford ka soo muuqday ciyaartoyda xulka ingiriiska ee da’doodu ka hoosayso 19 jirada ee ay laciyaareen Holland jimcihii.

Man United ayaa diirada saaratay 17 jirka reer ingiriis kaas oo lagu heli karo 15 milyan oo Ginni, tababare Pep Guardiola ayaana dhankiisa uga soo biiray xiisaha saxiixa Reece Oxford.

Laacib kaan ayaa cajabiyay kooxo badan kadib kulankii ugu horeeyay ee xiliciyaareedkii hore ay kooxdiisu 2-0 ku garaacday kooxda Arsenal kulankii furitaanka.

Qandaraaska Reece Oxford ee kooxda West Ham United waxaa uga haray 2 sano, waxaana la filayaa in kooxda reer ingiriis ay iska iibiso xaggaagan haddii ay ku hesho qiimo macquul ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close