Klopp oo bartilmaameed sanaya saxiixa Georginio Wijnaldum

Georginio Wijnaldum

(Liverpool) 18 Luulyo 2016 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa bartilmaameed ka dhiganaya laacibka qadka dhexe ee kooxda Newcastle United Georginio Wijnaldum.

Express ayaa baahisay in kooxda Liverpool ay diyaar u tahay soo afjarida saxiixa laacibka Newcastle United ee Georginio Wijnaldum iyaga oo diyaar la ah aduun dhan 20 milyan oo Ginni.

Tababare Klopp ayaa ku guul daraystay dhamaystirka saxiixa Piotr Zielinski iyo Mahmoud Dahoud, wuxuuna haatan u jeestay 25 jirka reer Holland.

Georginio Wijnaldum ayaa 14.5 milyan oo Ginni uga soo dhaqaaqay kooxda PSV, 11 gool ayuu u dhaliyay kooxdiisa xiliciyaareedkii hore horyaalka ingiriiska.

Tababare Rafa Benitez ayaa doonaya in heshiiska uu qayb ka noqdo mid kamid ah da’yarta Liverpool oo amaah ugu biiraya Newcastle xaggaagan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close