Didier Droba, Kaka iyo Andrea Pirlo oo lagu daray xiddigaha MLS ee la ciyaaraya kooxda Arsenal dabayaaqada bishaan

nycfc-mls-new-england-revolution_3438105

(San Jose) 18 Luuliyo 2016 – Xiddigaha ku ciyaari doona magaca horyaalka Mareykanka ee ka hor’imaanaya dabayaaqada bishan ayaa lagu daray Didier Droba, Kaka iyo Andrea Pirlo.

Kooxda Arsenal iyo xiddigaha MLS-ka ayaa kulankooda saaxiibtinimo waxa uu ka dhacayaa Avaya Stadium ee magaalada San Jose ee gobolka California, 29 bishan July.

Didier Droba, Kaka iyo Andrea Pirlo waxaa soo doortay taageerayaasha waxaana ay kooxda MLS-ka matalaysa kula biirayaan Giovani dos Santos, David Villa iyo Sebastian Giovinco.

Haddaba halkaan hoose ka eeg magacyada xiddigaha MLS ee ka hor’imaanaya kooxda Arsenal oo maanta lagu dhawaaqay:-

Goolhayeyaasha (2): David Bingham (San Jose Earthquakes), Andre Blake (Philadelphia Union)

Difaacyada (8): Matt Besler (Sporting Kansas City), Steve Birnbaum (D.C. United), Laurent Ciman (Montreal Impact), Andrew Farrell (New England Revolution), Liam Ridgewell (Portland Timbers), Keegan Rosenberry (Philadelphia Union), Brandon Vincent (Chicago Fire), Kendall Watson (Vancouver Whitecaps FC)

Khadka Dhexe (9): Kyle Beckerman (Real Salt Lake), Mauro Diaz (FC Dallas), Giovani dos Santos (LA Galaxy), Jermaine Jones (Colorado Rapids), Kaka (Orlando City SC), Sacha Kljestan (New York Red Bulls), Darlington Nagbe (Portland Timbers), Andrea Pirlo (New York City FC), Will Trapp (Columbus Crew SC).

Weerarka (7): Clint Dempsey (Seattle Sounders FC), Didier Drogba (Montreal Impact), Sebastian Giovinco (Toronto FC), Cyle Larin (Orlando City SC), Ignacio Piatti (Montreal Impact), David Villa (New York City FC), Chris Wondolowski (San Jose Earthquakes)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close