Barcelona oo aan dadajin doonin heshiis kordhinta tababare Luis Enrique

(Barcelona) 18 Luulyo 2016 Kooxda Barcelona ayaa sheegtay inaysan dadajin doonin heshiis kordhinta tababarehooda reer Spain ee Luis Enrique kaas oo qandaraaskiisa kooxda uu dhacayo dhamaadka xiliciyaareedka cusub.

Barcelona ayaa xaqiijisay in Luis Enrique ay soo hordhigi doonto heshiis cusub balse waxay sheegeen inaysan kula dagdagi doonin bilowga xiliciyaareedka.

Madaxwayne ku xigeenka Barcelona oo la hadlay Mundo Deportivo ayaa yiri:

“Heshiis kordhinta Luis Enrique? haatan ma ahan, waxaan la hadli doonaa waqtiga ku haboon, ma doonayno inaan dagdagno, waxaan rumaysanahay in isaguba uusan doonayn sidaas”.

“Laakiin dhab ahaan waxaan hordhigi doonaa heshiis, Janaayo miyaa? haa, waxaa lagayaabaa inay ka hormarto ama ka dib marto”.

“Enrique 3-koob ayuu qaaday xiliciyaareedkiisii ugu horeeyay, mardhawna koobab badan ayuu ku guulaysan doonaa, waa dooqeena koowaad, labaad iyo seddexaadba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close