Arrin kasoo korortay iibka AC Milan (Magacyo la kashifay)

(Milano) 18 Luulyo 2016 – Waxaa war cusubi kasoo baxayaa dalkaasi China, kaasoo ku aaddan iibka AC Milan oo ay wada xaajoodyo meel wanaagsan maraya balse dhowr mar dib u dhacay kula jiraan ganacsato Chinese ah.

Sida uu qorayo youngchinabiz.com, waxaa markii ugu horreeysey woxoogaa tafaasiil ah laga bixiyey canaasiirta iibsan rabta kooxda oo laba qaybood kala ah.

Dallada iibsanaysa Rossoneri, ayaa kala ah sida uu warkani sheegayo 40% ay iibsanayso sharikadda Baidu oo uu leeyahay bilyaneerka Robin Li, halka 40% kale ay iibsan doonaan maalgashadayaal kale sida tusaale ahaan Evergrande iyo Midea.

cd

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close