Xulka Puntland oo awood ku muquuniyey Koofur Galbeed, xilli ay kasoo baxday guruubka A,+ SAWIRRO

IMG_0288

(Muqdisho) 17 Luuliyo 2016 –Xiddigaha maamul goboleedka Puntland ayaa gaaray guushoodii ugu horeysay, ciyaaraha maamul goboleedyada Soomaaliya oo ka soconayo magaalada  Muqdisho.

Putland ayaa kullan aad u xiiso badan waxa ay galabta wajahday dhiigeeda Koofur Galbeed, waxaana  qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hoggaamineyaan Puntland, waxaana  labada gool dhaliyay xiddiga weerarka ee Yacquub Cismaan.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa wiilasha Putland waxa ay halkooda kasii wadeen kubaddii qurxooneyd iyagoo la yimid labo gool kale waxaana u dhaliya xiddiga Dhakab Gureey Yamani, halka goolka labaad uu sii raacsaday Yacquub Cismaan, waxaana ciyaarta waqtigii loogu tala galay ay kusoo dhamaatay 4-0 oo ay guusha ku qaateen Putland.

Koofur Galbeed ayaa isaga haray tartankaan markii loogu adkaaday 9-0, labadii kullan ay ciyaareen tartanka doowlad  goboleedyada Soomaaliya, waxaana ay ku guuldarreysteen in ay shabaqa gool taabsiiyaan.

Xiddiga weerarka Putland ee Yacquub Cismaan ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee saddexleey ka dhaliyo tartankaan, isagoo hoggaaminayo gool dhallinta.

Sikastaba guruubka A, waxaa kasoo baxay  Banaadir iyo Putland, iyagoo kullan loogu ordayo kaalinta koowaad ay wada ciyaari doonaan Tallaadada soo aadan oo ay taariikhdu ku began tahay 19-7-2016 .

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close