Xulalka Spain iyo Belgium oo kulan saaxiibtinnimo wada ciyaari doona… (Ka boggo goorta iyo goobta)

(Brussels) 17 Luuliyo 2016 – Xiriirka Kubadda Cagta Waddanka Spain ayaa shaaca ka qaaday in Xulka Spanish-ku kulan saaxiibtinimo la ciyaari doono xulka Belgium.

Kulankan xiisaha leh ayaa labada xul ku dhex mari doona Magaallada Brussels ee caasimadda Belgium, gaar ahaan garoonka King Baudouin maalin Talaado ah 17 November ee soo aaddan.

Waxaa horay loo shaaciyey in kulankan saaxiibtinnimo uu labadan xul dhexmari doono 01, Bisha September ee soo socota, laakiin sabab aan la shaacin ayaa markii dambe loo kansalay.

Spain iyo Belgium waxa ay labaduba ka mid ahaayeen xulalkii dhowaan ka qayb galay tartankii Euro 2016 ee lagu qabtay Dalka Faransiiska, waxaana Spanish-ka soo reebay xulka Talyaaniga, halka xulka Belgium-ka uu ku baxay gacanta dhiggooda Wales.

Belgium

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close