“Waa ceeb in Higuain uu katago Napoli” – Jose Callejon

(Naples) 17 Luulyo 2016 Laacibka garabka uga ciyaara kooxda Napoli ee Jose Callejon ayaa ka xumaaday wararka Gonzalo Higuain la xiriirinaya kooxaha Arsenal iyo Juventus.

Jose Callejon ayaa sheegay in 4 sano uu ka garab ciyaarayay laacibka reer Argentina, haatana uu ka xunyahay inuu maqlo ka tagidiisa Napoli.

“Waxaan doonayaa inuu sii joogo Napoli, waxaan ka garab ciyaarayay 3-dii sano ee uu joogay halkaan iyo hal sano oo aan wada joognay Real Madrid, waxaa naga dhexeeya xiriir aad u wanaagsan” ayuu yiri Jose Callejon.

“Waxba kama maqlin rabitaanka Higuain ee ah katagista kooxda, warar badan oo been abuur ah ayaa la faafiyay, laakiin waa ceeb haddii uusan nala sii joogayn xiliciyaareedka cusub”.

Gonzalo Higuain ayaa ku guulaystay xiliciyaareedkii hore gool dhalinta horyaalka talyaaniga kadib markii uu dhaliyay 36 gool.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close