SEUKI 2016: Ciyaaraha xagaaga Seuki 2016 oo ka furmay magaalada Stockholm + Sawirro (Yaa ciyaaraya galabta?)

(Stockholm) 17 Luulyo 2016 – Waxaa shalay si rasmi ah magaalada Stockholm uga bilowday ciyaaraha xagaaga Soomaalida ee Seuki 2016 Championship.

Tartanka oo ay ka qayb gelayaan ilaa iyo 13 kooxood oo loo qaybiyey 4 guruub oo kala ah: Guruubka A: Wadajir (Denmark), Banaadir (Asustria), Sompet FC (Finland), Rinkeby Stars. Guruubka B: Örebro, Somali United, Hässelby. Guruubka C: X. Stockholm, Olympic (Denmark), Nabadda (UK). Guruubka D: Västros, Dahabshiil (Norway), Etu Intermach.

Waxaana xafladdii oodda oodda looga qaadayay tartanka erayo kooban ka jeediyey marti sharaf kala duwanayd sida Guddoonka Seuki Kayse Cali Cadde, sharikaadka tartanka dhiirri geliya sida Al Koownayn oo uu u hadlay Ciise Sheekh, Dahabshiil oo uu metelayay Mudane Maxamuud, guddoonka Xisbiga Social-ka qaybta Tensta Md Maxamed Nuur, guddoonka Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed Md Cabdullaahi Caddaani iyo dabcan Diinaash oo aayado Qur’aan ah ku furay.

Intaa kaddib waxaa si rasmi ah u bilowday tartanka oo ay sanadkan tebinayso warbaahinta isboortiga Soomaaliyeed ee Gool FM waxaana lagu bilaabay kooxaha Waddani (Den) vs Rinkeby Stars oo soo bandhigay ciyaar aad u qurxoonayd oo uu anshax ka muuqdey.

Kooxda Rinkeby ayaana bilowgiiba gool looga naxsaday, balse Rikenby Stars dheg jalaq uma siinnin oo waxay goolkaasi uga jawaabeen si xooggan iyagoo 4 gool ugu dooriyey goolkii lagula soo deg degey waxayna ciyaartu ku idlaatay 4-1.

KULAMADA GALABTA DHACAYA:

Sompet FC vs Banaadir 16:00

Som United vs Hässelby 18:00

IMG_8586 IMG_8595 IMG_8617 IMG_8620 IMG_8621 IMG_8625 IMG_8627 IMG_8628 IMG_8631 IMG_8633 IMG_8635 IMG_8636 IMG_8639 IMG_8640 IMG_8642 IMG_8643 IMG_8645 IMG_8646 IMG_8648 IMG_8652 IMG_8653 IMG_8654 IMG_8655 IMG_8657 IMG_8661 IMG_8662 IMG_8663 IMG_8667 IMG_8668 IMG_8669 IMG_8671 IMG_8678 IMG_8683 IMG_8690 IMG_8701 IMG_8706 IMG_8711 IMG_8716 IMG_8719 IMG_8721 IMG_8722 IMG_8723 IMG_8730 IMG_8549

IMG_8592 IMG_8586 IMG_8585 IMG_8582

IMG_8694 IMG_8518 IMG_8519 IMG_8520 IMG_8524 IMG_8526 IMG_8529 IMG_8535 IMG_8537 IMG_8540 IMG_8541 IMG_8545 IMG_8549 IMG_8551 IMG_8556 IMG_8562 IMG_8567 IMG_8570 IMG_8571 IMG_8577 IMG_8578

 

IMG_8547

Gool FM, Stockholm

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close