MUUQAAL: Nani oo markii uu biiray kooxda Valencia 12000 taageerayaal ah hortooda qalaama rogad qosol leh ku sameeyey

Cne_4LIWcAAh9Qj

(Valencia) 17 Luuliyo 2016 – Xiddigii hore ee kooxda Manchester United ayaa waxaa dhowaan la wareegtay naadiga Valencia ee Waddanka Spain, waxaana uu ka soo hor muuqday taageerayaasha kooxdiisa cusub.

12000 oo taageerayaasha kooxdiisa cusub ah ayaa ku soo dhaweeyey Mastella stadium, waxaana Nani oo taageerayaashaas hortooda ku soo bandhigay Samsooyin ama qalaama rogad qosol leh.

Nani ayaa kooxdiisa cusub ee Valencia u xiran doona lambarka uu caanka ku yahay ee 17’aad.

Halkaan hoose ka eeg qalaama rogadkii uu Nani ku soo bandhigay taageerayaasha kooxdiisa cusub ee Valencia hortooda:-

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close