Liverpool oo wali aan ka quusan saxiixa Lucas Moura

(Liverpool) 17 Luulyo 2016 Kooxda Liverpool ee dalka ingiriiska ayaa wali daba joogta soo xerogalinta laacibka garabka weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Lucas Moura.

Sky Sports ayaa baahisay in tababare Klopp uu u arko 23 jirka reer Brazil laacib ku haboon qorshihiisa xiliciyaareedka cusub kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku soo muujiyay kooxda reer France.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Lucas Moura uu go’aan ku aadan mustaqbalkiisa gaari doono isbuucyada nagu soo aadan kadib markii uu keyd ka galay kooxdiisa xiliciyaareedkii hore.

Waxaa soo muuqanaya in tababaraha reer Spain ee Unai Emery uusan ku qanacsanayn qaab ciyaareedka xiddiga reer Brazil kaas oo 2013 uga soo biiray kooxda Sao Paulo.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close