Espanyol oo ku raad joogta Juan Mata

3655987100000578-3693315-image-a-113_1468677196679

(Catalonia) 17 Luulyo 2016. Kooxda kubadda cagta Espanyol ayaa xiiseeneysa Juan Mata xagaagan.

Mata oo ay da’diisu tahay 28 ayaa si weyn loo fahansan yahay in uusan ku jirin qorshaha Jose Mourinho.

Mourinho oo bishii Maajo loo magacaabay xilka United ayaa Mata ka soo diray 2014 Chelsea oo uu kolkaas hogaaminayey.

Villarreal, Everton iyo Valencia dhamaan wey rabaan laacibka, hayeshee, sida Daily Mirror laga soo xigayo waxaa ugu cad cad Espanyol.

Dhinaca kale warar ay qortay SunSport ayaa qaba in Mata loo adeegsan karo saxiixa Fabinho oo ay Red Devils ku raad joogto taas oo ka dhigeysa in Juan uu ku biirayo Monoco.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close