Diego Costa oo ku wargaliyay Chelsea inuu doonayo dib ugu laabashada Atletico Madrid

Chelsea star gives Conte early headache by requesting exit

(London) 17 Luulyo 2016 Weerar yahanka kooxda Chelsea ee Diego Costa ayaa ku wargaliyay kooxdiisa inuu doonayo dib ugu laabashada kooxdiisii hore ee Atletico Madrid sida ay baahisay AS.

Diego Costa ayaa ku wargaliyay tababare Antonio Conte iyo milkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich in qorshihiisu uu yahay inuu dib ugu laabto kooxdii ay kala soo wareegeen 2 sano ka hor.

Chelsea ayaa xili hore dhamaystirtay saxiixa weerar yahankii kooxda Marseille ee Michy Batshuayi, taas ayaana lagayaabaa in Costa ay u fududayso codsigiisa.

Costa ayaa aaminsan in mustaqbalkiisa xal laga gaari doono kadib markii uu wadahadalo gooni ah la qaatay shaqsiyaadka hormuudka u ah kooxda Blues.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa isku dayaya in weerar yahankaan khibrada leh uu ku sii haayo garoonka Stamford Bridge.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close