Arsenal oo qorshaysay kulan ay la qaadato Mauro Icardi (Halkee ayuu ka dhacayaa kulankaas)

(London) 17 Luulyo 2016 Kooxda Arsenal ee dalka ingiriiska ayaa isku diyaarinaysa inay la kulanto weerar yahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi.

Sky Italia ayaa baahiyay in Mauro Icardi iyo wakiiladiisu ay la kulmi doonaan kooxda Arsenal isbuuca soo socda, kulankaas ayaana ka dhici doona magaalada London oo ay ka dhisantahay Arsenal.

Arsenal ayaa suuqa kala iibsiga ka baadigoobaysa weerar yahan halis ah, waxaana diirada u saaran Mauro Icardi iyo Gonzalo Higuain.

mauroicardi-cropped_1d2vafvh73vcl12mynvd41o6jp

Icardi ayaa u muuqda mid ka qiimo jaban Higuain kaas oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 94 milyan oo euro, halka Mauro Icardi lagu heli karo 50 ilaa 70 milyan oo euro xili da’diisu ay tahay 23 jir.

Mauro Icardi ayaa kula jira kooxdiisa Inter Milan heshiis ku eg ilaa 2019, Arsenal ayaana loolan ku aadan saxiixa laacibka reer Argentina kala kulmaysa kooxaha Atletico Madrid iyo Napoli.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close