Arjen Robben oo 6 isbuuc ka maqnaan doona garoomada kadib dhaawicii soo gaaray xalay

(Munich) 17 Luulyo 2016 Kooxda Bayern Munich ayaa ka hadashay dhaawaca laacibkeeda Arjen Robben kaas oo dhaawac uga baxay kulankii xalay ee Lippstadt.

Bayern ayaa xaqiijisay in Arjen Robben uu dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada lugta midig, waxaana saaka lagu sameeyay baaritaano dheeraad ah.

Kooxda reer German ayaa xaqiijisay in Arjen Robben uu kooxda ka maqnaan doono 6 isbuuc kadib dhaawicii soo gaaray waana bil iyo bar.

Arjen Robben ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto kooxda bilowga horyaalka Bundesliga, tababare Ancelotti ayaana raadin doona dooqyo kale oo buuxiya booskiisa inta uu maqanyahay.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close