Aabaha Lionel Messi oo aqbalay qandaraas cusub

FC Barcelona v Sporting Gijon - La Liga

(Catalonia) 17 Luulyo 2016. Mustaqbalka Laacibka u dhashay Argentina ee Camp Nou  waxa soo galay  shaki kaddib markii lagu helay musuq maasuq canshuureed oo dalka Spain ah, warar waxaa jiray la’isla dhexmarayey in ciyaaryahanka laftiisa uusan ku faraxsaneyn kooxda sababo la xiriira taageero la’aan.

Taas waxa ay keentay in Messi lala xiriiriyo Chelsea iyo Manchester City walow ay Barcelona markii dambe qaaday olole ay baraha bulshada uga taageereyso laacibla.

Hada waxa ay u egtahay in Calatans ay gaareen hadafkoodii iyaga oo ku qancinaya laacibka in uu heshiis cusub qalinka ku duugo.

29 jirka waxa uu qandaraaska ka dhacayaa 2018 balse Mundo Deportivo waxa ay qabtaa in uu heshiis cusub saxiixi doono kahor xilli ciyaareedka cusub.

Kaddib markii ay dhameen arinkii Neymar ee qandaraas kordhinta waxa ay iminka u soo jeesteen Messi.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close