Paul Pogba oo tijaabada caafimaad u mari doona Manchester United [Sunsport]

spl1317913_001jpg-js251769549

(Manchester) 16 Luulyo 2016.Manchester United waxa ay qarka u saaran tahay in ay ogolaato bixinta £105million oo ah beeca Paul Pogba.

Sunsport waxa ay daaha ka rogtay in wadahadalada kooxda Juventus iyo wakiilka Pogba, Mino Raiola, la filayo in la soo gaunaanudo sabtida (Maanta) ama axada (Beri).

Xiddiga oo ay da’diisu tahay 23, waxa uu qalinka ku duugi doonaa qandaraas shan sano ah oo ku kacya £202 kun oo mushaar ahaan toddobaadkii ku qaadanayo marka uu ka soo noqdo fasaxa uu Mareykankaku joogo.

Raiola waxa uu dhawrkii maalmood ee tagay kala xaajoonayey musuuliyiinta United qodobada shaqsiyadeed ee Ciyaaryahanka u dhashay Frace –  iyo iib ku kici doona qarash ka sara maraya £86m oo ay 2013 Real Madrid ku soo iibsatay Gareth Bale.

Pogba waxa uu hada u safri karaa Manchester salaasada si uu tijaabada caafimaad ugu maro  Red Devils.

nintchdbpict000246704152

Wada xaajoodyada waxaa cakiriyey qodobka ah in Raiola oo heshiis kula jiray Juve taas oo ka dhigeysa in uu qaadanayo shan iyo laabatan boqolkiiba (25%) lacagta xiddiga lagu kala iibsado.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close