Neymar oo niyad jabiyay saaxiibkiis Messi: Ronaldo ayaa u qalma ku guulaysiga Ballon d’Or”

(Madrid) 16 Luulyo 2016 Laacibka kooxda Barcelona Neymar ayaa niyad jabiyay saaxiibkiis Messi kaas oo abaal marinta xiddiga aduunka kula tartamaya dhigiisa Ronaldo.

Neymar ayaan shaki ka muujin in Ballon d’Or ay sanadkaan u gacan gali doonto laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu xulkiisa u qaaday euro isaga oo sidoo kale ku guulaystay Champions League.

“Si aad ugu guulaysato Ballon d’Or waa inaad ku guulaysataa koobab” ayuu yiri Neymar oo wax laga waydiiyay waxa uu ka filayo abaal marinta laacibka aduunka ee labixin doono Janaayo 2017.

“Ronaldo wuxuu ku guulaystay Champions League iyo euro 2016, waxaan aaminsanahay inuu yahay laacibka ugu dhaw ku guulaysiga abaalmarinta, waa laacib wayn, taas ayaana ah xaqiiqda”.

Neymar ayaan soo hadal qaadin saaxiibkiis Messi kaas oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah kadib markii uu ku guul daraystay in xulkiisa uu u qaado Copa America.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close