Napoli oo badalka Gonzalo Higuain ka raadinaysa kooxda Real Madrid

gonzalo-higuain

(Naples) 16 Luulyo 2016 Kooxda Napoli ee dalka talyaaniga ayaa durba suuqa u gashay badalka weerar yahankeeda reer Argentina kaas oo ay isku haystaan Arsenal iyo Juventus.

La Gazzetta dello Sport ayaa daaha ka qaaday in kooxda Napoli ay diirada saaratay weerar yahanka kooxda Real Madrid ee Alvaro Morata si uu u buuxiyo booska uu banayn doono Gonzalo Higuain.

Kooxaha Juventus iyo Arsenal ayaa ku loolamaya saxiixa weerar yahanka reer Argentina ee Gonzalo Higuain, Napoli ayaana doonaysa in durbadiiba ay diirada saarato badalkiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Napoli ay diyaar latahay aduun dhan 60 milyan oo euro si Real Madrid ay ugu qanciso iibka 23 jirka reer Spain.

Napoli ayaa ogolaatay inay mushaar ahaan u siiso Alvaro Morata 7 ilaa 7.5 milyan oo euro sanadkii, waana mushaarka uu doonayo weerar yahankii katagay Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close