Muxuu kusoo dhamaaday kullankii galabta tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya + SAWIRRO

IMG_9631

(Muqdisho) 16 Luuliyo 2016 –Jubbaland ayaa guuldarro kala kulmay Hiiran iyo  Sh/Dhexe  oo hal xul matalaya, kaddib ciyaar ka dhacday garoonka Banaadir ee degmada C/Casiis.

Ciyaartaan ayaa aheyd mid aad u xiiso badan waxaan qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 oo ay ku hoogaaminayaa Hiiran iyo Sh/Dhexe  oo hal xul matalaya, waxaana goolasha u dhaliyay Xiddiga Weerarka ee Xasan Kaafi iyo daafaca jooga dheer ee Maxamed Xaamud Axmed.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa xiddigaha Jubbaland, waxa ay heleen hal gool waxaana iska dhaliyay xiddiga Maxamed Xaamud Axmed, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee gool iska dhaliyay tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya, waxaana ugu dambeyn ciyaarta ay kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku qaateen Hiiran iyo  Sh/Dhexe  oo hal xul matalaya,

Sikastaba maalinta  bari ah waxaa garoonka Koonis ku ballansan  Koofur Galbeed iyo Putland, waxaana labadaan xul ay ku wada jiraan guruubka A.

IMG_9619IMG_9621IMG_9631IMG_9637

IMG_0007

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close