Andre Schurrle oo go’aan ka gaaray mustaqbalkiisa Wolfsburg

(Dortmund) 16 Luulyo 2016 Laacibkii hore ee kooxda Chelsea ee Andre Schurrle ayaa ku sii dhawaanaya xirashada maaliyada kooxda Borussia Dortmund.

Andre Schurrle ayaa isaga tagay Chelsea isaga oo ku biiray Wolfsburg laakiin laacib kaan ayaa xiiso ka helaya kooxda Borussia Dortmund oo aad u doonaysa suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Bild ayaa shaaca ka qaaday in Andre Schurrle uu go’aan ka gaaray mustabalkiisa isla markaana uu diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda Borussia.

Borussia ayaa u aragta Andre Schurrle badalka laacibkii ku biiray kooxda Man United Mkhitaryan, waxaana la filayaa in isbuucyada soo socda ay ku dhawaaqdo saxiixiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close