Wasiir ka tirsan Spain oo Barcelona ku cambbaareeyey ololaha ay Lionel Messi ku taageereyso

3003772_heroa

(Madrid) 15 Luulyo 2016. Wasiirka cadaaladda  Spain Rafael Catala ayaa dhaleeceeyey ololaha Barcelona ee ay baraha bulshada uga taageereyso Lionel Messi kaddib markii lagu xukumay musuq maasuq canshuureed.

Kooxda haysata horyaalka Spain ayaa ku dhawaaqday olole ah “Dhamaan waxaan nahay Lionel Messi” kaddib markii lagu helay dambi ah lunsashada lacago laguna xukumay xabsi.

Ololaha si baahsan ayaa loo cambaareeyey, hase yeeshee, Catala ayaa noqday shaqsigii ugu dambeeyey ee ku tilmaamay mid hareer marsan nidaamka.

Isaga garawsanaya xaqa ay Barcelona u leedahay in ay taageerto ciyaaryahanka, waxa uu ku eedeeyey in ay isku dayayaan in ay yareeyaan go’aanka ay ay maxkamada ay Messi ku xukuntay.

“Ma ahi Messi, ma galin dambi ah cashuur lunsasho, sidaas daraadeed ma dareemayo……mana qabo in taageereyaal badan oo Barca ah iyo reer Catalanin ay talaabo ceynkan ah ogolaanayaan,” ayuu yiri.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close