RASMI: Kooxda Roma oo la wareegtay xiddigii Inter Milan ee Juan Jesus + Sawirro

juan-jesus-cropped_128zw6q65hpqb16n95qybskjkd

(Barcelona) 15 Luuliyo 2016 – Kooxda kubadda cagta Roma ee Waddanka Talyaaniga ayaa heshiis amaah hal sano ah kula soo wareegtay Difaacii kooxda Inter Milan ee Juan Jesus.

Kooxda Giallorossi ayaa dhammaystirtay saxiixa 25-sano jirka Juan Jesus, iyadoo haddii ay doonto Roma si rasmi ah u iibsan karta xiddigan.

Markii uu ku biiray Roma Juan Jesus ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda: “Aad baan ugu faraxsanahay inaan ku biiro koox sidaan u wayn, ma sugi karo inaan shaqada bilaabo.”

“Waxaan u ballan qaadi karaa taageerayaasha inaan had iyo jeer siin doono dhammaan wixii aan awoodo, isla markaana marna aanan joojin doonin tartanka Roma”

Daafaca xulka qaranka Brazil ayaa durba tababarkiisii ugu horreeyey la sameeyey kooxdiisa cusub ee Roma.

SAWIRRO:

CnUxgS_W8AEIBz3

CnUxhjXXYAERCRO

CnVmfSVWgAA4KnD

CnW3iJkWIAIKJsG

CnWE3YbWcAIXqVl

CnWE4WuWgAAIRMt

CnWE5dwXEAAyME1

CnWE8SXXgAEna8x

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close