Nani: Waxa uu Ronaldo igu yiri markii aan ku biiray Valencia

mmmmmmmmmmmmmmm

(Valencia) 15 Luulyo 2016. Saxiix cusub ee Valencia Nani ayaa sheegay in Laacibka ay Portugal ka wada tirsan yihiin, Cristiano Ronaldo uu ku taageeray ku biirida Los Che isaga oo u sheegay in uu bandhigyo wanaagsan ku sameyn doono.

29 jirka waxa uu qalinka ugu duugay Valencia qandaraas saddex sano ah kaddib markii uu €8.5 million uga soo wareegay Fenerbahce, halkaas oo uu sanad uun ku qaatay markuu laga diray Manchester United.

Nani wuu ku soo bilowday dhamaan toddobaddii kulan ee Portugal Euro-ga isaga oo dhaliyey saddex gool, hada saaxiibkiis Ronaldo ayaa ku taageeray ka ciyaarida Spain markii ugu horreeysay.

Garabka waxaa lagu soo bandhigay 12 kun oo taageereyaal hortooda gegida Mestalla waxa uuna kahor imaan doona Ronaldo marka ay ololaha dambe fooda is daraan Los Che iyo Los Blancos.


Nani waxa uu AS u sheegay: “Cristiano wuu ii hambalyeeyey isaga oo ii sheegay in Valencia ay koox weyn ka tahay Spain lana qabsan doono La Liga.

“Sal dhigashada waqti ayey qaadataa, laakiin ma qabo in ay adkaan doonto maxaa yeelay naqshad ciyaareedka waxa ay u egtahay Portugal, Waa farsamo oo xawaare dheereya noqon karta.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close