Kooxda Barcelona oo soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Samuel Umtiti… (Lambarkee ayuu kooxda u xiran doonaa?) + SAWIRRO

(Barcelona) 15 Luuliyo 2016 – Kooxda kubadda cagta Barcelona ee Waddanka Spain ayaa maanta saxaafadda u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Samuel Umtiti, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga Lyon.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska ee Samuel Umtiti ayay Barcelona kula soo wareegtay 25 milyan oo Euro, waxaana ay maanta u soo bandhigay taageerayaasheeda iyo saxaafadda.

Samuel Umtiti ayaa kooxda Barcelona u xiran doona lambarka 22-aad oo ay kooxdaas u soo xirteen Abidal iyo Alves, sidoo kale waa lambarka uu xiddigan Umtiti u qaato xulkiisa qaranka France.

Halkaan hoose ka daawo sawirrada sidii ay Barcelona u soo bandhigtay Samuel Umtiti:-

10

1

2

3

4

5

6

7

8

9

 

11

12

13

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close